Allbanaadir.com
NEWS

Filimka ka Baxsashadii Muqdisho oo laga helay lacag ka badan 26-Milyan oo Dollar 2-bil Gudahood

Filim cusub oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed oo laga dhigay intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ee 1991-kii ayaa ah filimka ugu lacagta badan waddankan ku yaalla qaaradda Aasiya sannadkan.

Illaa $ 26.9 milyan lagu iibiyey tigidhada. Filimkan oo la yirahdo Escape from Mogadishu ayaa ka hormaray filimada Hollywood-ka ee Black Widow iyo Fast & Furious 9, sida ay sheegeen golaha filimada Kuuriya.

Filimkan Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowaan la baahiyay, sidoo kalana laga sii daayay shaashado aan badnayn. Waa filimkii ugu horreeyey ee dhaafa 3 milyan oo tikidh oo dalka lagu iibiyo sannadkan.

Waxaa filimka Escape from Mogadishu oo uu soo saare ka ahaa Ryoo Seung-wan, oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed waxa uuna ka hadlayaa dhacdooyinkii dhabta ahaa ee 1991-dii Soomaaliya, gaar ahaan markii shaqaalaha safaaradda Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed iyo qoysaskoodu, ay ku xayirmeen dagaalkii sokeeye, taas oo horseedday in ay si lama filaan ah u midoobaan shaqaalihii labada Kuuriye.

Waxayna diiradda saareen sidii ay uga baxsan lahaayeen magaalada Muqdisho, waxayna iska illaaween khilaafkii u dhexeeyay.

Filimka Ka baxsashada Muqdisho ayaa gebi ahaanba lagu jilay dalka Morocco sannadkii 2019 waxaana laga sii daayay Kuuriyada Koonfureed 28-kii July ee sannadkan. Waxaa jilaya xiddigaha Koonfurta Kuuriya Kim Yoon-seok, Jo In-sung, Heo Joon-ho iyo Kim So-jin.

Filimka oo ay ka muuqdaan labo jilaa oo caan ka ah oo u dhashay dalkaas, Kim Yun-seok iyo Zo In-sung, wuxuu ku saabsan yahay “sheeko dhab ah oo qabsatay diblumaasiyiin u dhashay dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ee ku sugnaa Muqdisho markii uu dagaalkii sokeeye bilowday, 1991”.

Sanadihii 1980-meeyadii, dalalka Afrika waxaa si wayn ugu hardamayay Labada Kuuriya oo colaad ba’an ay ka dhexeysay. Afrika waxay Qaramada Midoobeey ku lahayd illaa 50 cod – xilli caalamka uu u kala qeybsanaa Shuuciyad iyo Hanti-wadaag.

Sannadkii 1990-kii, labadan dal waxay ku dagaallamayeen sidii ay u heli lahaayeen xubinnimada Qaramada Midoobey. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii awoodda lahaa ee codkooda laga raadinayay Golaha Loo dhanyahay ee UN.

Sida filimka lagu sameeyay, Safiirkii Kuuriyada Koonfureed ee Soomaaliya ku sugnaa Han Shin-sung (oo uu matalayo Kim Yun-seok), wuxuu ku sii socday kulan uu la lahaa madaxweynihii Soomaaliya.

Wuxuu xilli sii horreeyay abaalmarin ku helay sida uu dalkiisa uga caawiyay in ay hesho codadkii ay uga mid noqdeen Qaramada Midoobeey.

Balse, intii uu ku sii socday madaxtooyada wuxuu la kulmay burcad oo dhac u geysatay. Kulankii madaxweynaha sidaa ayuu ku baaqday maadaama uu ka soo dib dhacay ballantii loo qabtay.

Xilligaas, wuxuu arkay Safiirkii Kuuriyada Waqooyi Lim Yong-su (oo uu metelayo Huh Joon-ho), oo la sheekeysanayay madaxweynaha.

Kuuriyada Waqooyi oo xiriir dhow oo wanaagsan la lahayd dalalka Afrika, waxay markasta ka horeysay Koonfurta Kuuriya oo xifaaltan adag uu kala dhexeeyo – dhinac siyaasadda iyo sirdoonka.

Xilligaas oo mustaqbalka dowladda Soomaaliya uusan kala caddeyn, haddana waxaa sii xoogeysanayay loolankii labada Kuuriya u dhexeeyay, sida Filimka lagu jilay.

Waxaa filinka ka muuqdo in inta badan magaalada ay maleeshiyaadkii mucaaradka ka dagaalamayeen iyo isgaarsiinta dhan oo la jaray.

Markii uu dagaalka xoogeystay, Safiirkii Kuuriyada Waqooyi waxaa weeraray dad ka careysnaa dowladda Soomaaliya. Ka dib wuxuu megengelyo waydiistay Safaaraddii Kuuriyada Koonfureed oo ay boolis hubeysan ilaalinayeen.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin isaga oo 19-sano jir ah galay Dambi dagaal oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

DF & Heyaddo wadajir u codsaday $1.08 bilyan oo dollar & Sababta ka dambeysa (Akhriso)

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Khilaafka ka taagan Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---