Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo inuu carqaladeynayo cadaalad u helida Kiiska Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen saraakiil katirsan NISA.
Waxa ay sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in uy gabaadsiinayo eedeysanayaasha kiiska dilka Ikraan Tahliil loo heesto.
Musharaxiinta ayaa cadeeyay in ay si buuxda ugu garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan hufan, si degdeg maxkamad loo horgeeyo eedeysanayaasha.
Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka war hayaan dhaq dhaqaaqyada uu wado Guddoomiye Maxamed Mursal ,iyagoona uga digay Mursal in dalka mar kale geliyo colaad sukeeye.