Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa Imaaraadka Ku Qasbaya Dib ula Heshiinta Qadar Sideese Soomaaliya u Saameyn Doontaa?

Maalmo kaddib booqashadii Ankara, ayuu Lataliyaha Amniga Imaaraadka safar lama filaan ah ku tagay dalka Qadar. Sheikh Tahnoun bin Zayed al Nahyan waa mas’uulkii ugu weynaa ee dowladda Imaaraadka oo si rasmi ah kula kulmo Dooxa amiirka Qadar tan iyo markii xidhiidhkoodu uu xumaaday.

Khilaafku waa mid in muddo ah soo jiitamayay. Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreen iyo Masar ayaa isku dayeen inay afgambiyaan hoggaanka Dooxa. Inkastoo mu’aamarada ay ugu dambeyntii guul-darraysatay, haddana Turkiga ayaa si firfircoon u taageeray Qadar.

Heshiiskii Al-Cula ee January 2021 ayaa dowladaha khaliijka isku waafaqeen in la soo afjaro khilaafkii u horseeday inay xidhiidhka u jaraan Qadar. Riyadh iyo Qahira ayaa durbadiiba hagaajiyey xidhiidhkoodii iyadoo Dooxa ku taageertay Qaahira fududeenta xabad joojinta Yuhuuda iyo Xamaas.

Balse, Abu Dhabi waxay doorbiday inay ka cagajiidday nabadda ilaa ay ku fashilanto soo dhaweyntii Ashraf Ghani, oo ay filaysay inay ku hanato kalsoonida Washington.

Duullaanka dibloomasiyadeed ee Imaaraadka waxaa soo degdejiyey  dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsan yihiin:

·        Dooxa oo ku soo baxday dhexdhexaadiye muhiim u ah dunida kaddib markii si lama filaan ah ay u burbureen ciidamadii Afgaanistan oo uu tababbaray Mareykanka;

·        Turkiga oo heley shidaal Yurub u baahan tahay xilli dronnadiisa beddeleen wejiga dagaalladii Azerbaijan (Nagorno-Karabakh), Liibiya, iyo Suuriya;

Dad badan ayaa rumeysan in isbeddelka Imaaraadka uu yahay natiijada ka dhalatay oggolaashaha naadirka ah ee Mareykanka siiyey dhismaha dhuun suuq-geysa gaaska Masar oo la hoos mari doono badda Mediterranean-ka ilaa Lubnaan, una gudbi doonto Turkiga iyo Urdon iyadoo la sii marinayo Suuriya.

Fikrad taas ka duwan ayaa qabta in isbeddelka uu ka turjumayo khilaaf u dhexeeya Amiirka Dubai Maxammed bin Rashid al-Makhtoum iyo Maxammed bin Zayed al-Nahyan oo ku kala aragti duwan siyaasadda dhaawacday hadafkoodii dhaqaale sugi weydana hamigoodii “geopolitical”-ka.

Si kastaba ha ahaatee, isku soo dhawaashaha Riyadh iyo Dooxa ee keenay in Tahran wadahadallo lala furo xilli ay Imaaraadku isku maandhaafsan yihiin siyassadda gobolka ayaa ku dhaliyay Abu Dhabi inay dib uga fiirsato xidhiidhkeeda xulafaada iyo cadowgaba.

Abu dhabi oo tartan sii kordhaya kula jirta Riyadh ayaa qorsheynaysa inay maal dhan 150 bilyan doolar gashato, sagaalka sanadood ee soo socda, dalalka dhaqaalahooda xawliga ku socdo oo ay ka mid yihiin Turkiga, Itoobbiya, Kenya, [Soomaaliya], iwm., (Bloomberg 05/09/2021).

Marka laga tago dekeddaha, Abu Dhabi iyo Dooxaba waxay dano ku leeyihiin shirkaddaha Total iyo Eni Energy ee ku hawlan sahminta aagga badda ee Maxkamada ICJ laga filayo inay dhawaan ka gaarto qaraar kama dambeyn ah.

In la fahmo jihada siyaasadda khaliijka ay qaadeyso ayaa waxtar muhiim ah u leh Soomaaliya, si looga hortago masiibooyinka ay ku kala qoqobayaan ummadda. Soomaaliya ayaa noqotay bar dunida isha ku hayso khayraadkeeda badda iyo barriga xilli dalku marayo marxaladdii uu ku hormarin lahaa madaxbannaanidiisa qaran.

Habka Imaaraadka uu kula dhaqmayey dalka, afartii sano ee la soo dhaafay, ayaa sumaysay siyaasadda gudaha, iska horkeentay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedka Puntland iyo Somaliland, carqaladeeyay hirgelinta “nidaamka federaalka,” kordhisayna sheegashada gooni-u-goosadka Somaliland.

Soomaaliya waxaa muhiim u ah inay taxadar ka ahaato maalgelinta Imaaraadka, si loo oggaado sida ay u saameyn karto danta qaran iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

W/Q AbdulQadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab oo isku soo dhibay Ciidanka Danab

Caydiid Ali

Milatariga Itoobiya oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Hogaamiyaha TPLF

Cabdi Cade

Soomaaliya oo Dunida La Hortagtay Qaran Xisaabtami Kara !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---