Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia: Tirada dadka uu soo ritay COVID-19 & kuwa u dhintay oo sii kordhaya

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diiwaan gelisay maanta kiisaskii ugu badnaa COVID-19 ee muddo sanad ah laga helo dalka.

Warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ayey Wasaaradu ku sheegtay in la diiwaan geliyay 326 xaalado cusub oo COVID-19 ah 72-kii saac ee la soo dhaafay, halka 21 kale ay u geeriyootay.

Tiradan ayaa muujineysa in cudurka uu markii 3aad ku sii xoogeysaneyo dalka

Wasaarada caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay ay u qeybsan yihiin sidan:-

-Laga Helay: 326

-Somaliland: 133

-Banadir: 86

-Puntland: 38

-Jubbaland: 29

-Galmudug: 26

-Konfurgalbeed: 14

-Lab: 159

-Dhedig: 167

-Bogsashada: 128

-Dhimasho: 21 (Banadir: 12, Somaliland:7, ubbaland:2)

-Tirada Guud ee Laga Helay: 18,273

-Bogsashada Guud: 8,926

-Dhimashada Guud: 1,017

Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

https://youtu.be/00ge2CKSJ8w

Related posts

(Daawo Sawirro) Puntland oo kordhisay Maalmaha fasaxa shaqada ee todobaadka

Caydiid Ali

Laba Maxbuus oo Warqad hadal heyn abuurtay ku reebay Xabsi ay ka baxsadeen !!

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo maanta shacab hor leh ku xasuuqay degmada Rafax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---