Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay Qeybta 60aad ee xoogga dalka

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bay ayaa sheegay in saacadihii ugu dambeeyey uu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

“Madax Sakawaatka Nabadiidka Al-shabaab ee Degaanka Dadaarow ee  Gobolka Bay ayaa  isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad” ayaa lagu yiri war ay soo saareen saraakiisha xooga dalka.

Waxay intaas ku dareen in sarkaalkan uu la soo xiriiray taliska xoogga dalka ee degaanka Daynuunay uuna halkaas iska dhiibay.

“Maxamed Nur Maxamed Xuseen oo Magaciisa Afgarashada Nabadiidka Alshabab uu yahay  (Guudow) oo Mudo 7-sano ah Nabadiidka Alshabab u qaabilsanaa Ururinta Sakawaat Beenaatka ayaa isku soo dhiibey Ciidanka  Xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad ee fadhigoodu yahay degaanka Deynuuney” ayaa sidoo kale lagu yiri warka ka soo baxay taliska xoogga dalka ee gobolka Bay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya Muddo kororsiga & xaalada Somalia

Caydiid Ali

Sirdoonka Tanzania & Somalia heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo ciidamo la dagaalama kooxo falaago ah u dirtay dalka Congo DR (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---