Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Xasaasi ah oo hada ka socda Villa Soomaaliya iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Warar lagu kalsoonaan karo oon goordhaw helnay ayaa sheegaya in xarunta Villa Soomaaliya xiligan ka socdo kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday eeĀ  Farmaajo iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swam.

KulankanĀ  ayaa ah mid looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka xoogeestay ee xiligan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

James Swam oo wakiil uga ah kulankan wakiilada beesha Caalamka ayaana lagu soo waramayaa in Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay aragtida beesha Caalamka ee khilaafka taagan iyo sida ay uga walaacsan yihiin sida xaalku ku socdo.

Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay khilaafkan soo kala dhax galay Farmaajo iyo Rooble xili la gudaha galay doorashada, waxa ayna beesha Caalamka sheegeen in khilaafkan saameenayo geedi socodka doorashada.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo shalay kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankiisa kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo sababaha keenay, waxa uuna beesha caalamka u sharaxay sida uu khilaafka u jiro iyo waxa sababay.

Beesha Caalamka ayaa horey uga caga jiideesay bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya ayaa hada khilaafkan soo kordhay laga yaabaa in xaalada sii murjiyo, lamana oga go’aanka beesha caalamka ka qaadan karto xaalada siyaasadeed ee hada taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/4qillrEj3pM

Related posts

Lacagta la siinayo qoysaska dadkii ku dhintay shilalkii Boeing 737 Max oo la shaaciyey

Caydiid Ali

(Akhriso) Khudbad xasaasi ah oo Xassan Shiikh ka jeediyey Xarunta SETA ee Ankara

Caydiid Ali

Dad badan oo ku dhintay Goob ay ka socotay Bandhig Faneed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---