Waxaa maanta kulan shaki badan abuuray magaalada Muqdisho ku yeeshay taliyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kulankan ayaana looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo mida amaanka.
Kulankan oo Warbaahinta banaanka ka joogtay waxaa kasoo qeyb galay taliyaasha ciidamada Booliiska Milatariga, Asluubta Taliyihii KMG ee Farmaajo u magacaabay NISA iyo taliyaha booliiska gobolka Banaadir.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankooda uga arinsanayeen xaalada amaan ee dalka iyo sidoo kale amaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Jen Xijaar ayaa sheegay in xaaladda amaan ee dalka haatan yahay mid aan u wanaagsan , waxa uuna meesha ka saaray warar xiisado abuur ah uu sheegay in lagu baahinayay Warbaahinta iyo baraha bulshada.
Waxa uu cadeeyay taliyaha  in Ciidamada amaanka ku filan yihiin Amniga dalka ayna sugayaan, waxa uuna xusay in dalka Soomaaliya uu leeyahay cadaw Gudaha & dibadda ah, isla markaana ay dhici karto inay ka faa’iideystaan xilliga doorashada ee lagu jiro.
Warkan uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa dadka qaar aaminsan yihiin in ay yihiin kuwa aan sax aheyn oo dadka lagu marin habaabinayo loogana hadlay kulankan arimo kale oo siyaasadeed.
Kulankan ay yeesheen taliyaasha ciidamada ayaa imaanaya xili uu khilaaf xoogan oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana taliyaashan shiray lagu tuhmayaa in ay siyaasad ahaan la safan yihiin Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/4qillrEj3pM