Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidanka ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kala baxo Soomaaliya kadib khilaafka cusub ee soo kala dhax galay Farmaajo iyo Rooble.
Yoweri Museveni, ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Frace24 ayuu ku shaaciyay in niyad jab kala kulmayo Soomaaliya gaar ahaan khilaafka soo noq noqday ee soo kala dhax galay Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda ayaana cadeeyay in ka daalay murannada siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee soo kala dhax gala Madaxda dowlada, waxa uuna ku hanjabay in ciidankiisa nabad ilaalinta u jooga kala baxayo Soomaaliya.
Dowlada Uganda ayey ka socdaan ciidamada ugu badan ee AMISOM ka jooga Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Uganda marar badan horey u xaliyay khilaafaad soo kala dhax galay Madaxda dalka Soomaaliya ugu sareysa.
Beesha Caalamka iyo wadamada kale ee daneeya Soomaaliya ayaa si weyn uga niyad jabaya xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafaadka soo noq noqday ee u dhaxeeya madaxda dalka ugu sareysa taa oo saameyn ku yeelaneysa geedi socodka doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/4qillrEj3pM