Allbanaadir.com
NEWS

Shir Deg Deg ah oo Muqdisho uga Furmay Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho shir xasaasi ah oo albaabada u xiran yihiin uga furmay taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, shirkan ayeyna uga arinsanayaan xaalada siyaasadeed dalka ku jiro iyo mida amni.

Shirka ay joogaan dhamaan taliyaasha Ciidamada waxaa ku sugan taliyihii KMG uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Hay’adda Nabad Sugida , waxaana kulanka ka maqan Taliyihii uu Rooble u magacaabay NISA ee Jen Bashiir Goobe.

Taliyaashan shirka u socdo ayaa u muuqda kuwa si hoose u taageersan Madaxweyne Farmaajo maadaama uu shirka goob joog ka yahay taliyhii Hay’adad  NISA uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa la filayaa gabo gabada shirka taliyaashan war soo saaraan kana hadlaan xaalada amaan ee dalka , waxaa sidoo kale la filayaa in ay soo saaraan go’aano amaanka lagu xaqiijinayo.

Waxii warar kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hirshabelle Oo Qaadacday Qodobo kasoo baxay Shir ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Guddoomiye Mursal oo taageero u muujiyey shacabka reer Falastiin

Caydiid Ali

Israel oo boqol weerar oo cirka ah ku qaaday Xisbullah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---