Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Warbaahinta Qaranka oo diiday faafinta qoraalkii caawa ka soo baxay Farmaajo

Wasaarada warfaafinta DF ayaa diiday in Warbaahinta dowlada ay faafiso warkii caawa ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee looga horjeestay xilka ka qaadista wasiirka amniga Xasan Xundubey.

Rooble ayaa caawa xilka ka qaaday wasiirka amniga gudaha Xundubey, isagoo xilkaas u magacaabay C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo warkan markii uu soo baxay si toos ah looga sii daayey.

Waxay u muuqataa in warbaahinta dowladda ay gebi ahaanba joojisay faafinta War saxaafadeedyada kasoo baxa xafiiska madaxweynaha, tan ayaa ka dambeysay markii boggaga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka laga tiray warkii xalay kasoo baxay Villa Soomaaliya ee lagu magacaabay taliyaha cusub ee nabad suggida.

Wararka qaar ayaa sheegaya in boggaga warbaahinta dowladda laga saaray saraakiishii warfaafinta Villa Soomaaliya ee galaangalka u lahaa in ay wax soo galin karaan.

Sida ilo xog ogaal ahi sheegayaan Wasiirka warfaafinta Dubbe ayaa amar ku bixiyey inaan la baahin karin warka Madaxtooyada ka dib cadaadis kaga yimid xafiiska RW Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/bTk5EoOoBvo

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ka dhoofaya iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Wadaad Dhallinyaro ahaa oo dil argagax leh loogu geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dhalinyaro Soomaali ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---