Al Shabaab ayaa baahisay magaca dagaalyahan Ajnabi ah oo kasoo jeeda dalka Kenya oo fuliyay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo dhawaan lagu qaaday xero ciidanka dowlada iyo kuwa Galmudug kaga sugnaayeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.
Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali (Haashim) oo kasoo jeeda gobolka xeebta ee dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa ayaa fuliyay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay xerada Camaara kutaala.
Al Shabaab ayaana weerarka ismiidaaminta ah kadib weerar toos ah ku qaaday xerada ciidanka ku sugnaayeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho.
Wareysi uu ninkan inta uusan is qarxin kahor siiyay idaacada Al Shabaab ayaa ku sheegay in uu ku faraxsan yahay weerarka uu fulinayo, waxa uuna ugu baaqay dhalinyarada kale in ay galaan dagaalka ay wadaan Al Shabaab .
Weerarada Ismiidaaminta ah ee Al Shabaab inta badan ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ayaa waxaa fulin jiray rag Soomaaliya kasoo jeeda, waxaana mararka qaar weeraradan oo kale fuliya ajaaniib wadamo kala duwan kasoo jeeda oo katirsan Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/paUin6XbmBA