Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka

Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu goordhaw soo saaray isugu yeeray  kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka.

Kulankan oo ah mid deg deg ah ayuu Madaxweyne Farmaajo shaaciyay in uu dhacayo 18ka bishan Sebteembar 2021, waxa uuna xusay in kulankan Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Qoraalkan goordhaw kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili khilaaf meel xun gaaray uu u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo kawada tirsan guddiga Amniga Qaranka.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa meesha ka baxay markii Madaxweyne Farmaajo howlaha doorashada iyo amniga ku wareejiyay Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana hada la isweediinayaa waxa mar kale soo celiyay Guddiga Amniga Qaranka howlgal noqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/AYDFshUlXrE

Related posts

Madaxweyne Xasan oo qaabilay Wafdi sare oo ka socday Aljeeriya

Cabdi Cade

Xildhibaanada Galmudug ee Cadaado oo doortay Madaxweyne cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xarunta gobolka Banaadir oo si weyn loogu soo dhaweeyay Xubno ka socday Ururka EAC (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---