Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Taliye Bashiir Goobe geenaya Xarunta NISA iyo Cabsi laga qabo in…

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheenayo in kormeer shaqo ku tago Xarunta Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee kuyaala guriga Habar Khadiijo.

Rooble ayaa la sheegay ujeedka uu u tagayo xarunta Nabad Sugida in ay tahay sidii uu u geyn lahaa taliyaha cusub ee NISA Janaraal Bashiir Goobe uu labo maalin kahor xilkaasi si KMG ah ugu magacaabay.

Janaraal Bashiir Goobe ayaa tan iyo markii xilkan loo magacaabay aysan usuurto gelin in uu tago xarunta NISA maadaama khilaaf ka jiro magacaabistiisa uuna diiday Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Wareegto uu xalay soo saaray Farmaajo ayuu sidoo kale ku magacaabay taliye cusub oo yeelaneyso Hay’adda NISA taa oo xaalada uga sii dartay, waxa ayna hada ciidamada NISA leeyihiin labo taliye ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in Ra’isul Wasaare Rooble iyo taliyaha uu magacaabay ee Janaraal Bashiir Goobe loo diido in ay tagaan xarunta NISA maadaama wali Hay’adadaasi awood ku leeyihiin Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Ciidamada NISA uu isbadal ku sameeyay Fahad Yaasiin ayaa u badan saraakiil isaga uu shaqada geeyay si toos ahna ugu xiran uguna amar qaata taa oo keeneysa in Bashiir Goobe si fudud uusan shaqada ugula wareegin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/AYDFshUlXrE

Related posts

Somali Swedish u soo dagaalamay Al-Shabaab oo xabsiga ugu dhintay COVID-19

Caydiid Ali

Xamaas oo diiday natiijadii ka soo baxday shirkii Doha

Caydiid Ali

Fursad aad u Qaali ah oo loo hayo Qurbajoogta Soomaliyeed iyo Caruurtooda.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---