Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamusayay heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka gobollada woqooyi ee Somaliland.
Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay heshiiska ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Aqalka Sare e BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo dhammaan siyaasiyiinta gobollada woqooyi kaalinta ay ka qaateen in heshiiskan la gaaro.
Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo dadka ka soo jeeda gobollada woqooyi ee Somaliland u qabsan lahaayeen doorasho madax bannaan oo ay xor yihiin, ka maran faragelin, uuna diyaar u yahay in uu ka hor wareejiyo wax kasta oo caqabad ah,
Waxa uu kula dardaarmay siyaasiyiinta gobollada woqooyi in ay sameystaan habraacyo ay heshiis ku yihiin, si looga fogaado mustaqbalka khilaaf soo noqnoqda.
Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyey rajo ah in xaaladda uu hadda dalku ku sugan yahay laga gudbi doono, isla markaana aysan jirin cid loo joogsanayo.
“Waxaan diyaar u ahay inaan idinka celiyo halaqa, dawacooyinka iyo dhurwaayada geesihiina taag-taagan, nidaamkiina raaca cid idin soo faro-geli karta ma jirto, anigana diyaar ayaan idiin ahay har iyo habeen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com