War Saxaafadeed caawa kasoo baxay Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero loogu muujiyay laguna bogaadiyay doorka hogaamineed ee Ra’isul Wasaare Rooble gaar ahaan waajibaadka Amniga Qaranka iyo talaabooyinkii uu qaaday.
Puntland ayaa sidoo kale soo dhaweesay go’aankii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada uga joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, waxa ayna Puntland talaabadaasi ku tilmaantay mid sharciga waafaqsan.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Caawa kasoo baxay Puntland
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.
Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.
Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com