Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Warfaafinta DF oo beenisay warar laga sii daayey warbaahinta gudaha

Wasaarada warfaafinta Somalia ayaa beenisay warar maanta lagu faafiyey baraha bulshada, isla markaana laga sii daayey warbaahinta madaxa banaan kuwaasoo sheegayey in ciidamo  ka tirsan Villa Somalia ay la wareegeen xarunta Wasaarada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa aannu la socodsiinaynaa in aanu jirin ciidan qabsaday Wasaaradda Warfaafinta JFS” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in in amaanka wasaarada warfaafinta uu yahay mid sugan “Wasaaradda Warfaafintu waa hay’ad dowladeed, amnigeeduna wuu sugan yahay, waxaana masuul ka ah  Hay’adaha Amniga Qaranka” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Duhurnimadii ciidamo dheeri ah oo ka tirsan koofiya Casta Madaxtooyada la geeyay gudaha dhismaha Wasaaradda warfaafinta sida ay  xaqiijiyeen qaar kamid ah weriyayaasha ka shaqeeya warbaahinta dawladda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu amray in shaqadiisa uu sii wato” Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.

Warbaahinta dowlada ayaa ilaa xalay si isku mid ah u baahinayey ilaa xalay wareegtooyinka iska horjeeda ee ay soo kala saareen Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka, kuwaasoo midna xilka looga qaaday taliyaha NISA, mida kalena lagu buriyey xilka ka qaadista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rasaas wali ka socota Hotelka Xayaat iyo Meydadka dad uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee …

Cabdi Cade

Khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka A/dibeda DF & Wasiiru dowlaha (Qoraalo iska horjeeda)

Caydiid Ali

IGAD oo taageertay codsiga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---