Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Baaq Xasaasi ah u diray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadistii Ra’isul Wasaare Rooble ku sameeyay taliyihii Hay’adad NISA Fahad Yaasiin isagoona hambalyo u diray taliyaha cusub ee la magacaabay.
Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu ka waantoobo carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday.
Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dalka uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, waxa uuna ka digay Xasan Sheekh Xasilooni daro in dalka loo horseedo.
Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xasan Sheekh
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boliska Somaliland oo xabsiga u taxaabay fanaanada caanka ah ee Ugbaad Aragsan

Caydiid Ali

RW Khayre oo kulan la qaatay Madaxda sare ee Maamulka Galmudug (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Haweeney Aabaheed ka caawisay in la dilo kana hadashay sababta ku kaliftay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---