Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Koofi Cas ah oo gudaha u galay Xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Koofiyo Casta ilaalisa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gudaha u galeen xarunta Wasaarada Warfaafinta ay ku dhax yaalaan Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka.

Wariye katirsan Warbaahinta dowlada ayaa noo sheegay in ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka soo gaareen albaabka laga galo xarunta Wasaarada Warfaafinta sidoo kale soo galeen gudaha Wasaarada.

Lama sheegin wax talaabo ah oo ay qaadeen ciidankan Koofiya Casta ee galay xarunta Wasaarada Warfaafinta, waxaana si caadi ah shaqadooda u wata Wariyaasha ka howlgala Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka.

Lama oga waxa keenay in ciidankan oo ka amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya sababta ay u galeen xarunta Wasaarada Warfaafinta, waxa ayna arintan imaaneysaa xili uu khilaaf xoogan soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Warbaahinta dowlada ayaa laga sii daayay labo Qoraal oo iska soo kala horjeeda oo kasoo kala baxday Xafiiska R/Wasaaraha iyo kan Madaxweynaha, qoraaladan ayaana ahaa midkii Xilka Roobla uga qaaday Fahad Yaasiin halka kan kalana Farmaajo kusoo celiyay Fahad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/AYDFshUlXrE

Related posts

Putin oo go’aan ka gaaray talaabada laga qaadayo Madaxa kooxda Wagner

Caydiid Ali

Dhisme Cusub oo lagu soo Kordhinayo Bangiga Dhexe ee Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Musharaxiinta oo isku qeybinaya Degmooyinka Muqdisho iyo Dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade