Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiiru Dowlaha Amniga oo kormeer ku tagay Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda (Sawirro)

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa kormeer shaqo ku tagay Xafiisyada xarunta dhexe ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Amniga gudaha ayaa mid mid u booqday Waaxyaha ay ka koobantahay Hey’adda Socdaalka iyi Jinsiyadda. Saraakiisha ka howlgala Xafiisyada ayaa Wasiirka uga warbixiyeen sida ay u maareeyaan shaqooyinka maalinlaha ah oo ay Qaranka u haayaan. Sidoo kale Kormeerka shaqo ee Wasiirka ayaa waxaa uu ku mariyay Saldhigga Boliiska Aadan Cabdulle iyadoo halkaasi uu warbixin ka dhageystay Taliyaha Saldhigga Garoonka Aadan Cabdulle.

Kormeerka Wasiiru dowlaha Amniga gudaha Md, Farxaan Cali Axmed oo saacado qaatay ayaa waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Md, Yusuf Cali Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Ugu dambeyn Wasiiru Dowlaha Amniga oo shir la qaatay Agaasinka iyo Madaxda Xafiisyada ayaa ku amaanay howlaha ay bulshada u haayaan isagoo kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada isla markaana ilaaliyaan habraacyada iyo shuruucda Hey’adda.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo loogu baaqay in uu is casilo 

Cabdi Cade

(Akhriso): Khudbadii Farmaajo ka jeediyey Shirka Golaha guud ee QM oo dhammeystiran

Caydiid Ali

Wasiir isir naceyb ku tilmaamay dhibaatadii loo geystay Ciyaartoyda K/Galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---