Waxaa sii xoogeestay khilaafka siyaasadeed ee xiligan u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Khilaafka labada masuul ayaa sii xoogeestay markii Ra’isul Wasaare Rooble shaqada ka joojiyay Taliyihii Hay’adad NISA Fahad Yaasiin sidoo kale Madaxweyne Farmaajo wareegto isna uu soo saaray shaqada kusoo celiyay Fahad Yaasiin.
Sida aan wararka ku helnay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa ka socda shirar iska soo horjeeda oo looga arinsanayo xaalada siyaasadeed ee hada soo korortay.
Madaxweyne Farmaajo ayaana si gaar ah kulamo ula leh lataliyaashiisa iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dhaw, waxa ayna ka arinsanayaan sida looga gudbi karo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadista Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin.
Dhinaca kale xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa isna waxaa ka socda shirar ay leeyihiin Rooble iyo lataliyaashiisa iyo wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo aad ugu dhaw  Ra’isul Wasaaraha.
Shirkan ayaana Rooble kala tashanayaa lataliyaashiisa iyo xubnaha ku dhaw dhaw talaabooyinka kale ee sharci uu qaadi karo kadib markii Madaxweyne Farmaajo meesha ka saaray xil ka qaadistii uu ku sameeyay Fahad Yaasiin.
Khilaafka soo kala dhax galay Farmaajo iyo Rooble ayaana hada si weyn looga dareemayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana khilaafkan laga cabsi qabaa in saameyn xoogan ku yeesho geedi socodka doorashada Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/AYDFshUlXrE