Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si weyn usoo dhaweesay talaabadii uu Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada uga joojiyay Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay ku qanacsan yihiin tallaabooyinka uu qaadey Rooble ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad Ikraan Tahliil.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa cambaareesay masuuliyad daro ay sheegeen in uu ku kacay Madaxweyne Farmaajo ay tilmaameen in uu xagal daacinayo go’aanadii kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble ay tilmaameen in amniga dalka masuul ka yahay.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Madaxtooyada Jubbaland kasoo baxay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/AYDFshUlXrE