Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Fahad Yaasiin oo jawaab ka bixiyey amarkii ka soo baxay Raisul Wasaare Rooble

Taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa jawaab ka bixiyey amarkii ra’iisul wasaare Rooble uu uga dalbaday inuu 48 saac gudahood ku keeno warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo haatan ah kiis xiisad weyn ka abuuray dalka.

Fahad Yaasiin oo maanta Muqdisho ku soo laabtay ayay warar xog ogaal ahi sheegayaan inuu dalbaday in shir la iskugu yeero guddiga amniga qaranka, si uu uga jeediyo warbixinta ku saabsan kiiskan.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu  qoraal dalabkiisa ku saabsan u diray RW Rooble, taasoo sidoo kale la ogeysiiyey Madaxweynaha dalka Wasiirka amniga Qaranka  iyo xubno kale.

“Anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska Sarkaal Ikraan Taliil oo noqotay mid heer Qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda kawada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso”ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.

Waxaa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in macluumaadka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil uu la wadaago Golahan, halkaasina lagu gaaro go’aanno.

Sababta Fahad Yaasiin u diiday inuu warbixinta siiyo RW Rooble weli waxba lagama oga, balse waxaa laga shaki qabaa in talaabadan Fahad uu qaaday uu ku doonayo in go’aanka laga gaarayo kiiska Ikraan aanu ku koobnaan Ra’iisul-wasaare Rooble oo kaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA FAHAD YAASIIN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay dadaalo ay sameesay Xukuumada Kheyre (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhaawacyadii ugu horeeyey Gaza oo loo gudbiyey Isbitaalada Masar (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka walaacsan xaalada Soomaaliya baaq deg deg ahna ka soo saaray doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---