Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Ciidanka Afghanistan & Taliban oo iyagoo faraxsan laabta isgelinaya (Xabad joojin yaab leh)

Kooxda Taliban ayaa markii ugu horaysay waxay ogolaatay xabbad joojin dhowr maalmood ah oo dhexmarta iyaga iyo ciidamada dowladda Afghanistan oo colaad ba’an ay ka dhexeyso.

Talaabada Taliban ayaa ka dambeysay xabad joojin ay dowlada Afghanistan iskeed ugu dhawaaqday maalmaha ciida.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Taalibaan ayaa waxa ay gudaha u soo galeen magaalada caasimadda ah ee Kabul iyo dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas

Wasiirka arimaha gudaha ee Afghanistan ayaa waxa uu qaabilay tiro askar ah oo ka tirsan Taalibaan.

Waxaa la faafiyey sawiro iyo muuqaalo muujinaya askarta Taalibaan oo si faraxadi ku dheehan tahay xabadka u saaraya ciidamada Afghanistan oo muddo ka badan toban sano iyo dheeraad uu ka dhexeeyey dagaal aan waxba la iskula harin.

Xabbad joojintaan ayaa la sheegay in ay ku siman tahay muddo 3 maalmood ah, balse lama oga in labada ciidan ee sidaan farxadda leh isku marxabeeyey ay mar kale dagaal iskaga hor imaan doonaan.

Xabbad joojintaan ayaa la sheegay in aysan u dhaxaynin Xarakada Taalibaan iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka Afghanistan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay xubno ka tirsan Xarakada Taalibaan oo kor u ruxaya calanka Afghanistan ayaga oo dusha ka saaran buundada weyn ee ku taala caasimadda Kabul.

Dad badan ayey arintan la yaab leh ku noqotay maadaama uusan jirin heshiis siyaasaadeed oo labada dhinac ay ka gaareen colaadii u dhexeysay, xabad joojintana ay tahay mid maalmo kaliya ku kooban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney labo maalin kaddib guurkeeda noqotay Garoob iyo dhibka ku dhacay !

Cabdi Cade

Dilal kala duwan oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Senator C/raxmaan Faroole oo eedeeyey Guddomiye Jawaari iyo Wasiir Xoosh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---