Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan.
Rooble ayaans Hooyasa Ikraan Tahliil iyo xubnaha kale ee qoyska la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda katirsaneyd Hay’adda Nabad Sugida
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo.
Rooble ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka ku sugan magaalada Baladweyne in si degdeg ah u sii daayaan dadka aan waxba galabsan ee u afduuban.
.