Hogaanka sare ee Taalibaan ayaa soo saaray amar hubka looga dhigay sidoo kale lagu xir xiray dagaalamayaal katirsan kooxda Taalibaan oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rasaas dabaal deg ah oo dad badan ku dhinteen.
Dagaalyahanada Taalibaan ayaa habeen hore rasaas badan oo dabaal deg ah ka riday magaalada Kabul iyo magaalooyin kale ay maamulaan, waxaana rasaastaasi dhalisay dhimashada dad ka badan 30-qof iyo tiro kale oo dhaawac intaas ka badan.
Hogaanka Taalibaan ayaana ku amray saraakiisha ciidamada in xabsiga dhigaan dagaalyahanada lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen rasaasta khasaaraha badan dhalisay ee rideen habeen hore.
Â
Rasaasta dabaal deg ahaan u ridayeen Taalibaan ayaa bilaabatay kadib markii la sheegay in kooxdaasi dagaal kula wareegeen Gobalka Dooxada Panjshir ay kula dagaalamayeen Jabhadda la magac baxday Iska-caabinta Qaranka Afganistan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com