Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Heer Federaal oo doortay Gudoomiye

Xubnaha guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay Gudoomiye bedelaya gudoomiyihii hore ee Guddigaasi oo dhawaan u geeriyooday Cudurka Covid-19.

Kulankan maanta lagu dooranayay Gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa waxaa sii xaadiray 18-xubnood oo katirsan xubnaha guddiga kuwaa oo doortay gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa waxaa loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay dhamaan codadka 18-ka xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Doorashada gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa kusoo aadeysa xili dalka ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka sidoo kale la filayo in ay bilaabato doorashada Aqalka Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Afrikan ah oo dhawaan dib loo doortay oo Dagaal lagu dilay

Cabdi Cade

Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga Warbixiyay howlgalada ka socda Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo la wareegtay Deegaan ku dhaw Dhuusomareeb iyo abaabul dagaal oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---