Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Itoobiya oo ka baxaya Saldhigyo kuyaala Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu wadaa in ay ka baxaan saldhigyo ay ku lahaayeen Degmooyinka Buurdhuubo iyo Qansaxdheere oo ka kala tirsan Gobolada Bay iyo Gedo.

Qoraal kasoo baxay Taliska AMISOM gaar ahaan qeybta Saddexaad ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya baneenayaan saldhigyo ay kaga sugnaayeen degmooyinka Qansaxdheere iyo Buurdhuubo.

Ciidamada Itoobiya ee ka baxaya saldhigayada Qansaxdheere iyo Buurdhuubo ayaa lagu wadaa in loo wareejiyo saldhigyo kale , waxaana saldhigyada ay baneeyeen iyana la filayaa in ay la wareegaan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo ka mahad celiyey talaabo uu qaaday Hawlgalka EU ee Atlanta? (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoyska nin Kenyan ah oo lagu dilay Boosaaso oo dalbaday Caawinaad iyo Cadaalad (Sawirro)

Cabdi Cade

DFS oo wafdi u dirtay Itoobiya kaddib heshiiskii Xasan iyo Abiy

Cabdi Cade
Taboola Ads ---