Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil gabadhii la afduubtay kadibna la sheegay in la dilay oo Warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa cabasho xoogan ka keentay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Hooyadan ayaa sheegtay in ay qaati ka taagan tahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku beel ah gabadheeda, waxa ayna xustay in markasta ay ka hadasho gabadheeda maqan iyo dhibaatada heesata uu kasoo dabo hadlo uuna caqabad ku noqday kiiska gabadheeda.
Waxa ayna hooyo Qaali Maxamuud ka codsatay ehelada Xildhibaan Jeesow in ay ka qabtaan uu faraha kala baxo kiiska gabadheeda, waxa ayna cadeesay in uusan matalin Ikraan wax kiiskeeda ka quseeyana aysan jirin.
” Aniga markaan hadlo oon dhibaatadeeda ka hadlo ayuu isna iga soo daba hadlaa isaga oo hadalkeyga fur furaya , Islaamnimo hadey jirto Jeesow hala iga qabto dadkiisa ha iga qabsadaan waa iga eheb , ma matalo gabadheeda wax uu ka hadli karana malahan kiiskeeda” ayey tiri Hooyo Qaali.
Hadalka Hooyadan ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaan Jeesow lagu eedeeyay in marar badan Nabad Sugida ka difaacay kiiska dilka iyo Afduubka Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen Hay’adad NISA ayna wax ka ogaayeen hogaankeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com