Allbanaadir.com
NEWS

Jilaa naxdin ka qaaday ciyaar looga badiyey Xulka dalkiisa oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Jilaa caan ka ahaa dalka Masar iyo Dunida Carabta ayaa geeriyooday, kadib, markii uu xanuun ka qaaday Ciyaartii  Xulka Masar iyo kuwa dalka Uruguay ee ka tirsaneyd koobka kubadda cagta dunida oo Xulka dalkiisa looga badiyey 1-0.

Maahir Cesam oo 38-jir ahaa ayaa la sheegay isagoo daawanayey ciyaartaasi galabnimadii Jimcaha inuu ku dhacay qalal ka dhashay dhiig ku furmay Maskaxdiisa ka dib markii xulka dalkiisa dhamaadkii ciyaarta laga dhaliyey goolkii looga guuleystay.

Marxuumka oo xaalad miyir-beel ah galay ayaa la sheegay inuu saaka ku geeriyooday isbitaal loola cararay, sida uu baahiyey telefishinka Al-Carabia oo soo xiganaya qoraal ka soo baxay Ururka Fanaaniinta Masar.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Marxuumka Jimcihii loola cararay Imbaba Hospital, kadib, markii uu xanuunsaday, waxaana loo gudbiyey Isbitaal Takhasus leh wax yar kadib markii ay xaalladiisa caafimaad ka sii dartay.

Jilaaga geeriyooday ee Maahir Cesam waxaa uu wax ka jilay Aflaam badan isagoo kala qeyb galay Jilayaal ay ka midy ihiin Caadil Iimaan Canthar Al-xakiim iyo qaar kale oo dunida carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo fagaare ku yaalla Garowe kula tukaday boqolaal shacab ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalkii Gaza oo dib u qarxay ka dib xabad joojin todobo cisho socotay (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo sheegtay in uu furmay Shirkii Teendhada fariina u dirtay Deni iyo Axmed Madoobe

Cabdi Cade