Allbanaadir.com
NEWS

Tiina Intelmann oo loo magaacaabay Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa u magacawday Ergayga cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Tiina Intelmann oo horey usoo noqotay Safiirkii hore ee Estonia u fadhiyay Boqortooyada Ingiriiska.

Haweeneydan ayaa bedeleysa safiirkii hore ee Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya Nicalos Berlang oo mudo sadex sano ah shaqadan hayay, waxaana safiirkan laga sagootiyay Muqdisho uu mudo ka shaqeenaya.

Tiina Intelmann ayaa soo noqotay safiirka Estonia u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska intii u dhaxaysay 2017 ilaa bishii Ogosto ee sanadkan. Intii u dhaxeysay 2014 iyo 2017, waxay ahayd Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Liberia.

Midowga Yurub ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh siiya dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana Midowga Yurub hormuud u yahay wadamada Beesha caalamka qaarkood ee fadhiisinka ku leh gudaha Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano badan oo maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin iyo Xubno kale oo RW Kheyre ku wehliya Safarka Mareykanka (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

(Akhriso) War-Murtiyeed laga soo saaray Shirweynihii Culimada Soomaaliyeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---