Guddiga doorashada ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe inuu soo gudbiyo liiska xubnaha Musharaxiinta Aqalka Sare.
Cali Guudlaawe ayaa ah Madaxweynaha kaliya dowlad goboleedyada ee illaa hadda aan ku dhawaaqin liiska musharaxiinta aqalka sare.
Puntland ayaa buuxisay 13 kursi ee ay ku leedahay aqalka sare, halka Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur galbeed ay buuxiyeen kuraasta qaarkood.
Qaar ka mid ah Musharaxiinta la filayo iney ku soo baxaan liiska uu soo saarayo Cali Guudlaawe ayaa ku sugan magaalada Jowhar, halkaasoo ay ka wadaan ololahooda doorasho.
HOOS KA KA AKHRISO
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com