Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Yuusuf Dabageed & siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo lagu soo dhoweeyey Jowhar (Sawirro)

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yusuf Axmed  Hagar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Jowhar Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne Ku Xigeenka oo wafdigiisa ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble, Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax Xildhibaano heer Federaal iyo Siyaasiyiin ayaa si Wayne loogu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle iyo Wafdiga uu hogaaminayay  ayaa ugu dambeyn kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Waxaa uu kaga warbixiyay xaaladaha gobolka hiiraan gaar ahaan Magaalada Beleddweyne oo lagu qaban doono doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaalado cusub oo cudurka Covid-19 oo maanta laga diiwaan galiyay Muqdisho

Cabdi Cade

Saacadaha Bandowgii Muqdisho oo la kordhiyey & amaro cusub oo soo baxay

Caydiid Ali

Kenya oo shaacisay iney dadka Soomaalida u fududeyneyso dal ku-galka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---