Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo wada qorshe weerarkii 11 Septembar la xiriirinaya dowlada Sacuudiga

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar faraya hay’adda FBI-da inay kala shaandeyso dokumentiyada la xiriira weeraradii argagixiso ee dhacay 11-kii September, 2001.

Talaabadan ayaa taageero u ah qoysaska dhibbanayaashii weerarkaas oo muddo dheer raadinayay diiwaannada dhacdadaasi oo ay filayaan in laga heli doono ku lug ku yeelashada weerarkaas ee boqortoyada Sacuudiga.

Baaritaanno hore loo sameeyay ayaa lagu qeexay inuu xiriir ka dhexeeyay muwaadiniinta Sucuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaashii diyaaradihii weerarka lagu fuliyay, inkasta oo aan la xaqiijin in ay dowladda Sacuudigu wax lug ah ku laheyd.

Qoysaska dhibbanayaashii weerarkaas ayaa doonaya iney helaan cadeymo muujinaya inuu xiriir ka dhexeeyey dowlada Sacuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaasha dayuuradihii lagu fuliyey weeraradii 11 Sept, si ay magdhow lacageed uga helaan Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baroordiiq 3 cisho ah oo ka socota Itoobiya iyo calanka dalkaas oo hoos loo dhigay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada Hawiye codsina u diray (Sawirro)

Cabdi Cade

Scotland oo dooratay Raisul Wasaarihii ugu horeeyey ee Muslim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---