Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalay Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil oo loo magacaabay Wsaiir kuxigeenka arimaha Dibadda.
Baashe Cawil Cumar ayaa qoraal uu soo saaray kaga cudur daartay in uu aqbalo xilka Wasiir kuxigeenka arimaha dibadda Somaliland, waxa uuna Madaxweynaha ka codsaday in uu ka aqbalo codsiga is casilaadiisa.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wareegtada uu goordhaw soo saaray ku magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble in uu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland .
Halkan ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Biixi
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com