Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Per Olsson Fridh, ayaa ka soo dhex muuqday goobta lagu saxiixayey heshiis doorasho ay wada gaareen madaxda shanta maamul-goboleed, Duqa Caasimada iyo Ra’sulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. (May 27, 2021).
Mr. Olsson oo aad ula dhacsan, sida fudud ay ugu suurtoggashay inuu faraggeliyo, arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray “waxaan ku faanayaa inaan hadal jeedin ka sameeyey xafladii taariikhiga ahayd ee maanta ka dhacday Muqdisho” May 27, 2021).
Hadabba maxaa suuraggal ka dhigay in la faraggeliyo doorashooyinka Soomaaliya?
Rabshadaha baahsan iyo jahawareerka bulshada ee qotada dheer ayaa doorashooyinka halis geliya, sidaas waxaa sheegay Martin Plaut, oo ah saxafi iyo cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Barwaaqa-sooranka ee London University (VOA March 22, 2018).
Xaaladaha uu xusay Martin Plaut iyo weliba kuwo ka ba’an ayaa muddo dheer ka jiray Soomaaliya, taasoo ka dhigan in Soomaaliya u nugulaato faragellin dibadeed. Sidoo kale, xilliyadii uu waddanka ku jiray hubaal la’aanta waxaa abuurmay howlfuliyeyaal dhego fudud, oo u darban inay qayb ka noqdaan hagardaameynta Soomaaliya.
Marnaanta awoodda dowladnimo waxay soo jiidatay hay’adaha ka macaasha fowdada oo ka diiwaangashan Waddamada Galbeedka ama hoos tagga Qaramada Midoobay. Si ay hay’adahan ugu fulaan hawlahooda gurracan waxay shaqaaleystaan Soomaali haysata jinsiyadaha galbeedka ama kuwo hanti magguurto ah ku leh dalalka Afrika iyo Carabtaba.
Gargaarka dibadda marna ma uusan noqon mid ka madhan dano siyaasadeed oo dhaawaca ama halis geliya jiritaanka dowladaha dawarsi ku noolka ah.
Sida ay ku doodaan kuwa faaleeya siyaasadda cakiran ee Soomaaliya ayaa tibaaxaya inay Soomaaliya ku hardamayaan saddex dhinac, kuwaasoo kala ah, Maraykanka, Yurubta Galbeed oo xulafeysta madxweynta Bariga Dhexe, iyo Turkiga. Waxaana la rumaysan yahay in dagaalka ugu adag ee arrimaha doorashooyinka uu dhexmarayo Turkiga iyo Yurubta Galbeed.
Kaddib, markii ay Britain (UK) ku fashilantay inay si gooni-socod ah uga dhex qaraabato Soomaaliya waxii ka danbeeye cayrintii Haysom, waxay go’aansatay inay isku lamaaniso Midowga Yurub, iyo Norwey oo aan xubinta ka aheyn EU. Qorshahoodana waa inay Turkiga geeska geliyaan, oo ay u arkaan in isteraajiyadiisu ay halis ku tahay danaha ay gobolka ka leeyihiin.
Faraggelinta UK, ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxay si weyn u soo shaac baxday dhamaadkii bishii April, 2019, kaddib, markii Danjire David Concar uu kulan albaabbada u xiran yahay kula yeeshay xarunta safaaradda Muqdisho xildhibaannada federaalka Soomaaliya ee heysta dhalashada dalkiisa. Qoraal ay soo saartay safaaradda ayaa lagu sheegay in labada dhinac, oo aan cid kale barxin, ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal! (Moqdisho.online April 25, 2019).
Danwadaagta Yurubta Galbeed waxay u arkaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu yahay shaqsi doonaya inuu xor u noqdo dhaqan gelinta fikirkiisa siyaasadeed, suuraggalna ka tahay inuu qaato go’aano dhaawacaya danahooda. Waana sababta ku riixaysa inay qaataan dhabbo kasta oo keeni kara inuusan Farmaajo madaxtooyada kusoo laaban.
Farmaajo waxuu qiray in shisheeye uu dhabqinayo doorashada Soomaaliya. Ilo wargal ah oo ku dhow madaxtooyadda ayaa sheegaya in hadalkaas uu ahaa mid uu ugu duur-xulaye ergada Danwadaagta Yurubta Galbeed ee fadhida Xalane.
Balse, Farmaajo waxuu ilduuf siyaasadeed sameeyey markii uu Ra’sulwasaare u magacaabay Rooble oo ah Somali-Sweden, u shaqeeyay hay’adaha gargaarka, dano dhaqaale iyo mid deegaan ku leh Kenya. Dhammaan xaaladahaas waxay Rooble u nugleen karaan inuu u dhago fududaado diblomaaasiyiinta fadhida Xalane, si uu masaalixdiisa gaarka ah u ilaashado.
Ilo-xog ogaal ah ayaa sheegaya in la fashiliyo qorshihii Farmaajo uu doonayey in fursad lagu siiyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka si ay u qabtaan doorasho Qof iyo Cod ah, ay ka danbayeen Yurubta Galbeed. Fashilinta qorshaha waxay u adeegsadeen Taliyihii Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir Sadiq Cumar Xasan, Sadiq-John oo heysta dhalashada UK. Waxaa intaas weheliya in cida kala irdheysay Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay aheyd Danwadaagta Yurubta Galbeed.
Ilo diblomaasiyeed ayaa sheegaya in laga meermeero doorasho dadweyne ay sabab u tahay inaysan jirin qof loolan adag gelin kara Farmaajo si xafiiska loo dhaafiyo. Taas ayaa keentay in la door biday in la aado doorasho dadban oo ah xulasho ama magacaabis, si loo soo saaro xildhibaano loo adeegsado ceyrinta Farmaajo.
Inkastoo, Farmaajo ku dadaalay inuu wax ka qoro heshiiska doorashada dadban, intuusan magacaabin ra’iisulwasaare, misna awood tirka gudiga xulashada heer federaal, iyo habraac awooda gacanta loogu geshay madaxda maamul goboleedyadda waxay cadeen u tahay, in Rooble fulinayo qorshe laga hagayo Stockholm iyo London.
Waxaa la xaqiijinayaa in Cabdicasis Xasan Maxamed Laftagareen, Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor, iyo Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe la saaray culays ah, inay dhabarka u jeediyaan Farmaajo. Halka Gudoomiye Maxamed Xasan Ciro la dooransiiyey inuu u hoggaansamo habraaca awooda looga xayuubiyey ama laga keenayo mooshin looga xayuubinayo gudoomiyenimada iyo weliba xubinimada gudiga.
Waxaa la soo tebinayaa in Maraykanka uusan wax dhib ah u arkin inuu markale soo laabto Farmaajo, taas ayaa keentay inuu kor ka daawado hardanka u dhaxeeya Turkiga iyo Danwadaagta Yurubta Galbeed. Balse Maraykanka waxuu culays saaray wadamada Khaliijka Carbeed ee lacagta ku soo fataha Soomaaliya xilliyada ay jiraan doorashooyinka.
Dad badan ayaa rumaysan in weli Farmaajo heysto furasd soo laabasho, halka ay qaar kale rumaysan yihiin in xarigiisa aysan xoolo ku jirin. War jiraaba cakaaru iman.
W/Q Saciid Cabdisalaam
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com