Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo kordhinaya Taageerada uu siiyo Milatariga Soomaaliya (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee dalkaasi kula kulmay Dhiggiisa Turkiga Hulusi Akar Said .
Labada Wasiir Kulan ay yeesheen ayey uga wada hadleen Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta taageerada iyo Tababarada Ciidan Ee dawladda Turkiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga Hulusi Akar Said ayaa sheegay in dowladiisa xili walbo garab taagan tahay Soomaaliya , waxa uuna balan qaaday in ay sii kordhin doonaan taageerada ee siiyaan milatariga Soomaaliya.
 
Wasiirka Gaashaandhiga  ayaa uga mahad celiyay Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin  Soomaaliya ,Waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan Ciidanka qalabka sida.
Dowlada Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya iyo Turkigaba ku tababarta Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gor Gor iyo Haramcad , waxa ay sidoo kale Turkiga hub iyo gaadiidka ciidamada ugu deeqeen ciidamada ay tababareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Maxaas si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka qarxay Khartuum

Caydiid Ali

Ciidamo fara badan oo xiray wadooyinka soo gala Taalada daljirka Dahsoon

Caydiid Ali
Taboola Ads ---