Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo sheegtay in Baahi weyn u qabto Isticmaalka Dekadda Berbera (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Mr. Redwan Hussein oo uu wehelinaayo safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin la socday weftiga wasiiru-dawlaha.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya  Somaliland iyo dawladda federaalka ah ee Itoobiya, arrimaha la xidhiidha isu-socodka labada dhinac ee ganacsiga iyo iskaashiga horumarineed ee waddada berbera corridor ay ugu horayso iyo isticmaalka dekeda Berbera.

Wasiiru-dawlaha arimaha Siyaasada dalka Itoobiya Redwan Hussein ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabaan dekedo kala duwan ay wax kala soo degaan ayna muhiimad gaar ah siinayaan isticmaalka dekeda Berbera

Sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii ay hore u galeen labada dawladood oo la joogo wakhtigii la dhamaystiri lahaa hirgelinta wixii hore la isugu afgartay ee dani ugu jirto labada shacbi iyo labada dawladood.

 

Related posts

Laftagareen oo Baydhabo ku laabtay iyo Xog ku aadan kulankii isaga iyo Deni

Caydiid Ali

DEG DEG: Guutooyin ka tirsan Milateriga Somaliland oo u soo dhaqaaqay Laascaanood

Caydiid Ali

Diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---