Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Al-Shabaab oo iska fogeysay dilka iyo afduubka Ikraan Tahliil (Akhriso bayaan)

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu beeniyey hadalkii kasoo yeeray hay’adda sirdoonka DFS ee ahaa inay ka dambeysay afduubkii iyo dilkii lagula kacay Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaal u shaqeyneysay hay’adda NISA.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay inaysan ka dambeynin dilka gabadhaas wax shaqo ahna ku lahayn.

“Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay’adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Al-shabaab.

“Anagu waan beegsanaa madaxda iyo saraakiisha hay’adda sirdoonka ashahaadda la dirirka ah oo bartilmaameed ayey inoo yihiin waana sheegannaa dilkooda oo cid aan uga heybeysano ma jirto laakiin gabadhaas afduubkeeda iyo dilkeeda wax shaqo ah oo aan ku leenahay ma jirto”. ayey sidoo kale ku yiraahdeen Al-Shabaab warka ay soo saareen.

Al-shabaab ayaa xustay in NISA ay tahay mid u shaqeysa wax ay ugu yeereen gaalada  ayna hoggaanka u hayaan dabadhilifyo danley ah oo diin iyo dadnimo midna aan dhowraneynin sida ay warka u dhigeen.

“Haddii shaley dadka muslimiinta ay raafayeen oo xabsiyada ka buuxinayeen, qaarna si bareera u dilayeen, maantana waxaad aragtaan in xitaa kuwii iyaga dad ugu dhawaa ee u shaqeynayey ay kusoo jeesteen oo inta afduubtaan dilaan hadana ehelladii dadkaas ku jeesjeesaan. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay ubadkiina ka ilaaliya inay u shaqeeyaan maamulada noocaas ah” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab oo dhabar jab ku ah hadalka xalay ka soo yeeray NISA ee ahaa in Dilka Ikraan Tahliil ay ka dambysay al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/PjZl9toIY40

Related posts

Madaxweyne Al Sisi oo Soomaaliya imaanaya iyo xog ku aadan Ujeedka safarkiisa oo ah Xasaasi

Cabdi Cade

Mahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay ciidamada Nabad Sugida Gobolka Gedo

Cabdi Cade

Jawaari oo Guddoomiyey Shirkii guddiga joogtada ee Golaha shacabka & go’aano ka soo baxay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---