Allbanaadir.com
NEWS

Dal albaabada u furay markab sida kumanaan tahriibayaal dalal kale laga soo diiday (Daawo Sawirro)

In ka badan lix kun oo muhaajiriin afrikaan ah kuwaasoo toddobaad ka hor laga soo samata bixiyay badda mediteraniyanka ayaa gaaray dalka Spain.

Markabka soo samatabixiyay muhaajriintan ee Aquariyas ayaa waxaa uu muran badan ka taagnaa halka uu ku xiranayo iyadoo dalalka Talyaaniga iyo Malta ay diideen inuu kusoo xirtaan dalalkooda.

Qaar ka mid ah muhaajiriinta oo intooda badan kasoo jeeda dalalka Africa ayaa lagu soo daadgureeyay labo Markab oo gudaha bada ugu tagaya markabkaasi oo ku sugnaa dekadda Valancia ee Spain.

Xukuumada cusub ee Spain ayaa u balan qaaday caafimaad bilaash ah inay siineyso qaxootigan, waxayna sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso xaalada muhaajiriintan magangalya doonka ah.

Ra’isal wasaaraha cusub ee Spain ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay labo toddobaad ka hor waxa uu qaatay mowqif uu kusoo dhaweeyay qaxootiga.

Boorar waaweyn oo ay ku qoran yihin luqada kala duwan ayaa lagu soo dhaweynayaa muhaajiriintan, iyada oo boqolaal booliis ah, saraakiisha caafimaadka iyo tarjumaano ay ku diyaarsan yihiin xeebta.

Dalka Farasiiska ayaa dhankiisa ku yaboohay inuu qaadanayo qaar ka mid ah muhaajiriinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo la kulmay qaar ka mid ah Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin fududeeyay Qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho oo saakay la toogtay

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Somaliland oo ka hor yimid heshiiska Itoobiya iyo Muuse Biixi

Caydiid Ali