Ra’isul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay in boolisku ay dileen nin ay ku sheegtay inuu ahaa argagixiso ka tirsan ururka Daacish.
Dilka ninkan ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii uu toorey ku weeraray dad ka adeeganayay dukaan ku yaal magaalada Auckland, isagoo dhaawacay lix qof oo Saddex ka mid ah dhaawacyadooda lagu sheegay kuwa halis ah.
Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhacdadan ay ahayd weerar argagixiso, iyadoo sheegtay in ninkani uu ahaa muwaadin u dhashay Sri Lanka oo ay dhiirigalisay kooxda Daacish, isla markaana ay aad u la socdeen dhaq-dhaqaaqiisa laamaha amniga.
Ardern, ayaa sidoo kale sheegtay in shaqsiyan iyada hore warbixin looga siiyay ninkan, laakiin aysan jirin sifo sharci ah oo lagu xiro, maadaama aan lagu heynin wax cadeymo ah.
Weerarkan ayaa ka dhacay dukaanka Countdown ee magaalada caasimada ah abbaare 2:40 duhurnimo.
Taliyaha booliiska Andrew Coster ayaa sheegay in kooxda dabagalka booliska iyo kooxda sida gaarka ah u tababaran ay ninka ka soo raaceen gurigiisa ilaa dukaanka, iyagoo markii hore u maleynayay inuu dukaanka ka soo adeeganayo balse midi uu ka qaatay isla dukaanka dhexdiisa ayuu weerarka ku fuliyey taasoo sababtay in la toogto.
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2021/09/210903-auckland-terror-mb-0715.jpg?resize=1400%2C934&ssl=1)
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/pe2QxGlMwgE