Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somalia Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya in Ikraan Tahliil ay dileen kooxda Al-Shabaab.
Goodax Barre ayaa nasiib daro ku tilmaamay in la kala saari waayo ficilada Al-shabaab iyo Nabad sugida qaranka.
HOOS KA AKHRISO QORAAL UU BARAHA BULSHADA KU FAAFIYEY XILDHIBAAN GOODAX
Markii Ikraan la waayay dabayaaqaadi bishii June ayaa waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliya qabsaday qeylo dhaan ku saabsan gabadh ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, taas oo la waayay.
Waa arrin murugo iyo naxdin leh warka maanta kasoo yeeray Taliska Nabadsugidda, waa nasiib darro weyn oo dalkaan ku habsatay in maanta lagala saari karin ficillada argagixisada Alshabaab iyo Hay’addii Sirdoonka Qaranka.
Waxaan hubaa oo aan shaki iiga jirin in aan kula xisaabtami doonno kiiskan oo uusan noqon mid si dhaqsi ah meel la isaga tuuro, illaa aan soo helno caddaaladda Ikraan.
Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha dawladda iyo qoyska Ikraan, waxaan Alle uga baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/pe2QxGlMwgE