Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/Dibadda DF & dhigiisa Sayid Badr Bin hamad Albu-Saidi?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiis ah, khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi.

Waxay ka wada hadleen xiriirka adag ee labo geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada wasiir waxa ay sidoo kale waxay isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Iran ballanqaad muhiim ah ka heshay Waddamo Carbeed xilli Israa’iil weerar ay…

Cabdi Cade

UK oo balan-qaadyo culus u sameysay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Xaaf oo shuruud culus ku xiray sii socoshada shirka Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---