Taliban ayaa ku dhawaaqday inay hareereysay gobolka kaliya ee ka soo horjeeda xukunkeeda, sida uu sheegay hogaamiye sare oo ka tirsan kooxdaas isagoo ugu baaqay fallaagada inay hubka dhigaan
Tan iyo qabsashadii Kabul bishii Agoosto 15-keedii, gobolka buuraleyda ee Panjshir ayaa ahaa gobolka kaliya ee ka soo horjeeday Taalibaan, in kasta oo uu sidoo kale dagaal ka dhacay gobolka Baghlan ee dariska la ah oo u dhexeeyay Taliban iyo maleeshiyada deegaanka.
Ciidan uu hoggaaminayey Ahmad Mascuud, oo uu dhalay hoggaamiyihii hore ee caan ahaa ee la dagaallamay Taliban Ahmed Shah Masoud iyo dhowr kun oo ka tirsan malayshiyaadka dooxada Panjshir iyo sidoo kale haraadiga ciidankii Afghanistan ayaa la dagaallamayay Taalibaan.
Khudbad la duubay oo uu kula hadlaayay dadka reer Afghanistan ee gobolka Panjshir, ayaa hogaamiyaha sare ee Taliban Amir Khan Motaqi ugu baaqay in kooxda ka soo horjeeda ay dhigaan hubka.
Kooxda Taliban ayaa cafis u fidisay dhammaan dadka reer Afgaanistaan ee la shaqeeyay ciidamada shisheeye 20-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin dad badan oo ka baqaya aargudasho ayaa ku sii qulqulaya xudduudaha, iyagoo isku dayaya inay ka cararaan waddanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com