Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ka dhan ah Isbitaalada Yardameli iyo Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhigaya in muddo toddobaad gudahood ah ay ku soo wareejiyaan Maamulka labada Isbitaal.
Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax dheere oo Warbaahinta u akhriyey wareegto ka soo baxday duqa Muqdisho ayaa sheegay in iyagoo ku shaqeynaya dastuurka iyo shuruucda dalka in maamulka gobolka uu mas’uul ka yahay gacan ku haynta isbitaalada, loona baahan yahay in lagu soo wareejiyo
“Labada Isbitaal ee kor ku xusan oo loogu talo-galay iney bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyaan si lacag la’aan ah ayuu ka war helay Maamulka gobolka in Isbitaaladaas ay ku shaqeeyaan hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada mid aan aheyn oo u muuqda ganacsi” ayuu yiri afhayeenka
Saalax dheere ayaa fariin u diray maamulka labada Isbitaal.
“Maamulada Isbitaalada Jaziira & Yardameli waxaa lagu wargelinayaa in muddo toddobo cisho ah gudahood ah ay maamulka gobolka Banaadir ku soo wareejiyaan Isbitaaladaas, si loogu magacaabi maamulo cusub” ayuu intaas ku daray Saalax dheere.
Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay Maamulada labada Isbitaal ee Yardameli iyo Jaziira ee Magaalada Muqdisho.