Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo kormeeray Dhismaha Laamiga cusub ee Dayniile (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku sameeyay dhismaha Wadada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa.
 
Dhismaha wadadan oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda iyo dalxiiska deegaanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ku sameeyeen kormeer socod ah si ay u qiimeeyaan sida loo dhisay Wadadan oo ah mid cusub.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in Caasimadda la hormariyo.
Dhismaha Laamiga degmada Dayniile waxaa iska kaashaday shacabka ku dhaqan degmada Dayniile iyo maamulka degmada, waxaana la filayaa in qeybta kale ee laamiga dhawaan dib u dhis lagu bilaabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/3hCA3r6vn7Q

Related posts

Nin Al-Shabaab u qaabilsanaa Gudbinta xogta Ganacsatada oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

Muxuu ku saabsanaa wadahadal khadka telefanka ku dhexmaray Farmaajo & dhigiisa Geelle?

Caydiid Ali

Dagaal ka dhacay kulankii maanta ee Golaha shacabka BFS (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---