Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo maanta ka ambabaxay dalka (Daawo Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeedda dalka Norway.

Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan Shir looga hadlaayo Arrimaha Maaliyadda, kaasoo ka furmaya dalka Norway.

“Raisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa oo aan ka mid ahay waxaan u soconaa dalka Norwey oo aan kaga qeyb galayna shir caalami ah oo looga hadlay horumarka Somalia sida aan adduunka ugu qancin laheyn isbedelka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha wadanka mudada ay jirtay xukuumada” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo qeyb ka ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Kaabayeyaasha dhaqaallaha, waxaana dowladda ay qarka u saaran tahay in laga Cafiyo deymaha lagu leeyahay Somalia oo ka badan 5 bilyan oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 42,000 oo buundo oo ay dulmaraan 167 milyan oo gaari oo xaaladooda laga dayriyey

Cabdi Cade

Nin beeraleey ah oo adeegsaday calaamada suulka oo lagu ganaaxay lacag badan

Cabdi Cade

Guddiga doorashada Somaliland oo shaaciyay Magacyada oday dhaqameedyo soo xulaya..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---