Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Anfac Xuseen Muxumed

Xarakada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Shaw oo katirsan gobolka Hiiraan waxa ay shalay galab ku toogteen haweeney ay ku eedeeyeen in ay katirsaneed ciidanka maamul goboleedka Hirshabelle.

Dadweyne badan oo ka kala yimid xaafada deegaanka Shaw iyo saraakiil iyo askar katirsan Al Shabaab ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay haweeneydan Al Shababa ku eedeeyeen in ay aheyd askari.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay Anfac Xuseen Muxumed in ay katirsaneyd ciidamada maamulka Hirshabelle ee ku sugan xerada Lama Galay ee kutaala magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday rag iyo haween ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen ciidamo iyo kuwa kale oo ay ku eedeeyeen basaasnimo, mana jiro ilaa ilo madax banaan oo eedeymo qaar xaqiijiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/3hCA3r6vn7Q

Related posts

Dowlada oo ka hadashay weerarkii khasaaraha geestay ee ka dhacay Imaaraadka

Cabdi Cade

RW Khayre oo si aan caadi laheyn loogu soo dhoweeyey Qardho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---