Dowlada Britain oo sanado badan ciidamo ka joogeen dalka Afganistan ayaa dhawaan askarteeda kala baxday dalkaasi kadib markii si lama filaan ah talada dalka Afganistan ula wareegeen kooxda Taalibaan.
Dalka Afganistan oo hada intiisa badan gacanta ku hayaan Taalibaan waxaa ku sugan oo awood ku leh qeybo kamid ah dalkaasi dagaalyahano hubeesan oo katirsan ISIS, kooxdan ayaana dhawaan weerar ismiidaamin dad badan ku dhinteen ka fulisay garoonka Kabul.
Taliyaha Ciiddanka Cirka ee dalka UK, Marshal Mike Wigston ayaa ku hanjabay in ay beegsan doonaan Maleeshiyada daacada u ah kooxda Daacishta gobalka Khorasan ee Afganistan ee ISIS-K.
Waxa uu sheegay taliyaha inay Duqeyn doonaan fariisimada Kooxda ISIS-K ay ku leeyihiin Bariga iyo Koonfurta dalka Afganistan si loo bur buriyo khatarta kooxdaasi iyo in ay geestaan weeraro kale .
Kooxda ISIS-K ayaa gudaha Afganistan ku heesata kumanaan dagaalyahan, waxa ayna kooxdan fikir ahaan kasoo horjeedaa kooxda Taalibaan ee dhawaan talada dalka Afganistan awood milatari kula wareegtay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com