Allbanaadir.com
NEWS

R/Wasaare Rooble oo ka hadlay arin shaki badan laga muujiyay iyo sida laga yeelayo

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shaki Musharaxiinta qaar iyo siyaasiyiin ka muujiyeen Hay’adda  CID-da oo lagu amray in warqada dambi la’aanta ah kasoo qaataan musharaxiinta iyo ergayda wax dooraneysa.

Rooble ayaa sheegay in waajib tahay in Hay’adda CID-da soo maraan laguna sameeyo baaris musharaxiinta u taagan kuraasta labada Aqal iyo sidoo kale ergayda soo dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Rooble in aysan isbaaro noqon doonin Hay’adad dambi baarista CID-da, waxa uuna xusay in xaalada hada jirta ay sababtay in la baaro qof kasta oo musharax ah iyo ergayda xildhibaanada dooraneysa.

”Waxaan rabaa in aan ka hadlo arin tuhun keentay oo ku aadan musharaxiinta, Odayaasha 101-da iyo ergada ma marayaan CID-da, haa waa waajib in la maro, dalka xaalada uu ku sugan yahay waad ogtihiin ,laakiin cidna caqabad loogama dhigi karo, lagumana dulmin karo.” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Rooble.

Hadalka kasoo yeeray Rooble ayaa kusoo aadaya xili musharaxiinta u taagan kuraasta Xildhibaanimo iyo kuwa Madaxweynaha shaki ka muujiyeen in dano kale loo adeegsado warqada CID-da laga yaabo in musharaxiinta qaar loo diido si doorashada looga reebo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare caan ah oo hadiyad ahaan loo siiyay Dibi ay udxiyo ka dhigato !

Cabdi Cade

Gudoomiyihii gobolka Gedo oo xilka wareejiyey ka dib cadaadis kaga yimid DF

Caydiid Ali

Milateriga Sudan & kuwa ka horjeeda ee RSF oo heshiis cusub kala saxiixday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---