Allbanaadir.com
NEWS

Raila Odinga oo Balan qaad u sameeyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Islii (Sawirro)

Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka ah ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee la kulmay Raila Idinga ayaa waxa ay u gudbiyeen cabashooyin iyo dhibaatooyin badan ay ku qabaan xaafada Islii ay ku heestaan ganacsiyo waa weyn  .

Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka ah ee dalka Kenya, ayaa u balan qaaday ganacsatada Soomaaliyeed in uu kala shaqeyn doono sidii wax looga qaban laha cabashadooda islamarkaasina uu dowladda la wadaagi doono.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii amaa marar badan cabashooyin u gudbiyay dowlada Kenya mana jiraan wax badan oo laga qabtay cabashooyinkooda oo u badnaa amaan daro iyo nadaafad xumo ka jirta xaafada Islii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo ka careesan Dilal aad looga naxay oo dad Muslimiin ah loo geestay

Cabdi Cade

Deegaanka Daaru Salaam ee Muqdisho oo maanta si weyn looga ciiday (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo la kulmay Ganacsato ka socotay dalka Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---